Maamulka Jubbaland oo War kasoo saaray arrinta degmada Baardheere

57

Wasiirka wasaaradda Amniga gudaha dowlada Jubbaland,Sareeye Gaas yusuf xuseen Cismaan Dhumaal ayaa baaq udiray Dowlada fedraalka ah, dowlada jubbaland iyo dhamaan umada Somaliyeed in ay gurmad u sameyaan shacabkii ku waxyeelooway fatahaadihii is xig-xigay ee ka dhacay degmada baardhere ee gobolka gedo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyey eheladii iyo qoysaskii ay ka baxeen marxuumintii ku nafwaayey daadadkii iyo qaraxii ay dadka ku dhinteen in uu samir iyo imaan Alle kasiiyo,quluubtoodana Alle u qaboojiyo,

Wasiirka ayaa xusay in fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan  looga faa’idesto cawinta dadka danyarta ah iyo kuwan aan awoodin Afurka.