Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo bilaabay dadaalo lagu xalinaayo Colaada Laas-Caanood

32

Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Magaalada Muqdisho, isla markaana shalay gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay dadaalo lagu xalinaayo dagaalka dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogaga la Magac baxay SSC.

Odayaasha oo uu horkacayo Maxamuud Cali Ugaas ayaa waxaa ay booqdeen qaar kamid ah Dhismayaasha ku burburay madaafiicda ay Ciidamada Somaliland ku garaaceen Magaalada Laas-Caanood oo ay kamid yihiin Goobaha waxbarashada iyo Isbitaalka weyn ee Magaalada Laas-Canood.

Wararka ay Markabley heleyso ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Muqdisho ay xalay kulamo la qaateen Isimada Dhaqanka SSC, iyaga oo kala hadlayay sidii loo joojin lahaa colaada magaalada Laas-Caanood oo dad badan ay ku dhinteen.

Odayaasha Dhaqanka ka tegay Magaalada Muqdisho ayaa qorshahoodu ahaa inay sidoo kale la kulmaan dhinaca kale ee Madaxda Somaliland ayna tagaan Magaalada Hargeysa, balse Wararka kale ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland ay diideen wada-hadalladaas, islma markaana ay shuruud ku xireen.

In kastoo xaaladda magaalada Laas-Caanood ay tahay mid degan, ayaa hadana waxaa markasta la filan karaa in uu dagaal dhaco maadaaa weli dhinacyadii dagalamay ay ishor-fadhiyaan.