Xadka u dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo furayo

41

Qorshaha dib loogu furayo xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee Mandheera ayaa soo dhawaaday, iyadoo lagu wado in dhowaan dib u dayactir lagu sameeyo Kastamka laga ilaaliyo xuduudka.

Tani waxay daba socotaa wada tashiyo heer sare ah oo ay labada dal yeesheen, ujeedaduna tahay in la horumariyo dhinacyo cusub oo danaha wadaagga ah, gaar ahaan ganacsiga xuduudaha iyo amniga gobolka.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid ka mid ah qorshaa istaraatiijiga ah ee loo dejiyay amniga si loo xakameeyo ganacsiga sharci darrada ah ee xuduudaha, oo ay ku jiraan tahriibinta badeecadaha, hubka sharci darrada ah, iyo daroogada.

“Xuduudaha aan la leenahay Soomaaliya waxa uu xirnaa muddo toban sano ah,” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay Bar Kontroolka Xuduudaha ee Mandheera, kaas oo la joojisay dhaqdhaqaaqiisa sanadkii 2012-kii.

“Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in la sameeyo bar xuduud ah si loo fududeeyo isu socodka sharciga ah ee dadka iyo badeecadaha si ay uga faa’ideystaan dadka Mandheera iyo Buula Xaawo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hay’adda Cashuuraha Kenya ee Kastamka iyo Xakamaynta Xuduudaha iyo Waaxda Socdaalka ayaa ka mid noqon doona hay’adaha ka qayb qaadan doona hawshan.

Dowladda Kenya ayaa 10 sano ka hor xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilligaas oo ay Ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya, iyada oo ka cabsi qabtay in Xubno katirsan Al-Shabaab ay u gudbeen dalkeeda balse taasi ay ku guuleysan waayeen.