Ilhaan Cumar oo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda Aqalka Wakiilada

38

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa  u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez ayaa tallaabo dheeri ah qaaday, ayada oo sheegtay in tallaabada Jamhuuriga ay tahay mid ka mid ah “waxyaabaha laga yaqsiyoodo ee laga dhaxlay 9/11,” ayada oo ula jeeda weeraradii September 11 2011 – “beegsiga iyo cunsuriyeynta ka dhanka Muslimiinta Mareykanka ee dalka Mareykanka oo idil. Tani waa mid ka mid ah dhaxalkaas.”

Waxay intaas ku dartay “Tani waa beegsiga haweenka midabka.”

Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.