Somaliland oo war cusub ka soo saartay xiisadda ka taagan Laascaanood

62

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Axmed Kaahin oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa markale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo weli laga dareemayo dhaq-dhaqaaq iska soo horjeedo.

Kaahin ayaa soo hadal qaaday shirweynaha ka socdo Laascaanood, isaga oo eedeyn u jeediyay waxgaradka ku shiraya magaaladaasi ee kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkooda ay ka barakicyeen magaalada, ayna ka shaqeynayaan hurinta xiisadda ka jirta halkaasi.

Dhinaca kale Somaliland ayaa gobolka Sool ku soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, taas oo loo arko in Somaliland ay xalka ku raadin karto awood milatari.

Dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ka wado Sool ayaa uga sii dari kara xiisadda ka taagan Laascaanood oo aan weli xal loo helin, maadaama ay isaga baxeen ciidamada Somaliland, kadib markii ay iska hor imaad kala kulmeen maleeshiyaadka deegaanka ee Laacsaanood.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka ay leeyihiin hoggaanka dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee haatan ka socda magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya.