Madaxweynaha Kenya & Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

41

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalka, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka KenyaWilliam Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo la dagaalanka Al-Shabaab.