Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Culimada Soomaaliyeed

39

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Culimadii ka qayb gashay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay sida midnimada leh ee ay Ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen go’aanadooda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo garab istaagga ay u muujiyeen dagaalka ay haatan kula jirto dowladda federaalka oo sidoo kale kaashaneysa dadka deegaanka.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed.

Dhammaan xubnaha madasha ka hadlay ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Si kastaba, Shirka Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa shalay la soo xiray  waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah, waxayna Culimadu go’aamiyeen in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay “Jihaad”, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saareen.

Waxyaabaha kale ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in si wadajir ah ay Culimada u cambaareeyeen falkii nin xagjir ah ku gubay 21-kii Jannayo 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah.