Dowladda Canada oo magacowday Ergayga Gaarka ah ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka

35

RW dalka Canada, Justin Trudeau waxa uu magacaabay Ergaygiisa Koowaad ee Khaaska ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka, xilli ay dalkaasi dhawaanahan ka dhaceen Weeraro ka dhan ah Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Amira Elghawaby oo ah Saxafiyad iyo U-Ololeeye Xuquuqda Aadanaha  ayaa loo magacaabay Xilkaasi, iyadoo Dowladda Federalka ee dalka Canada kala talinayso dadaalka La-dagaalanka Islaam-Nacaybka (Islamophobia), Cunsuriyada Nidaamsan (systemic racism), Midabtakoorka iyo Dulqaad La’aanta Diimeed.

Amira Elghawaby oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar waxay Hooyadeeda Canada la tegtay iyadoo aad u yar oo 2 bilood jir ah.

Haatan waa Saxafiyad wax ku qorta Wargeyska The Toronto Star, waxay Shahaadada Digiriiga ee Saxaafada iyo Sharciga (Journalism and Law) la qaadatay Jaamacadda Carleton University sanadkii 2001-dii.

Amira Elghawaby waxay haatan degan tahay magaalladda Ottawa, waana hooyo xaas ah oo 3 carruur dhashay.

Dhanka kale,  RW Canada, Justin Trudeau waxa uu u hambalyeeyey magacaabista Amira Elghawaby, isagoo sheegay inay tahay Tallaabo Muhiim ah ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka iyo nooc kasta oo Nacaybka ah.