(DAAWO )Dhismaha Masjidka Abraar ee Baardheere oo la soo gabagabeeyey,Dhowr bilood dib u dhis iyo Balaaran lagu sameeynayey

43

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa si rasmi ah loo furey Dhismaha Masjidka Abraar oo dib u dhis iyo balaaran lagu sameeyey, islamarkaana la saarey hal dabaq si ay u isticmaalan hakii marba Jameeco ka badan,kuwii hore,dhismaha Masjidkan oo si heer sare loo dhisey ayaa halkii marba waxaa ku tukan kara ilaa 1200 oo ruux.

Maxamed Aden Cabdile oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka weyn ee Abraar ayaa u mahad celin balaaran u jeediyey dhamaan dadkii Muruq iyo Maal kaga qeyb qaatey dhismaha Masjidkan oo ay ku jiraan dadka deegaanka Baardheere,Qaar ka mid ah dadka degan tuullooyinka iyo Qurba joogta Soomaaliyeed.

Masjidkan oo dhismahiisu uu soconayey muddo Dhowr bilood ah,laguna dhisey si isku tashi ah ayaa noqonaya Masjidkii labaad ee hal dabaq la saaro kuna yaala degmada Baardheere.