Duqaymo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland

34

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in duqaymo xooggan oo  loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka dheceen Xarumo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Daacish.

Warka ayaa in taas ku daraya in duqaynta  xalay ka bilaabatay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari illa saakaya ay socotay.

Saraakiil ka tirsa maamuka puntland ayaa shaaaciyay in  Duqaymahan oo xalay ilaa saakay socday lagu burburiyay saldhigyadii Daacish ee buuraleyda Calmiskaad.

Lama  oga’  khasaraha ka dhashay duqeynta marka laga reebo Saraakiisha sirdoonka puntland oo sheegay in  ay gabi’ahaanba bur buriyeen fariisimihii Daacish ay ku lahaayen buuraleyda calmiskaad.

Hawlgalkaan ayaa la sheegay  waxaa si wadajir ah ay u fuliyeen Sirdoonka Puntland iyo ciidamada Maraykanka oo is kaashanaya islamarkaana ka duulaya xogo amni oo laga helay degaannada Calmiskaad ee hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari .