Madaxweynaha Turkiga oo si kulul uga hadlay gubitaanka Nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka

28

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan ayaa cambaareeyay nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee lagu gubay dalka Sweden, xilli  Kulan ay xubnaha Golaha xukuumadda shalay ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Madaxweynaha waxa uu si kulul u naqdiyey falkii Xumaa ee Kitaabka Qur’aanka doraad lagu gubay Dibadbax ka hor dhacay Barxadda la soo horjeeda Dhismaha Safaarada Turkiga ku leedahay Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Erdoğan waxa uu Dowladda Sweden u diray Fariin Kulul oo uu ugu sheegay inaysan ku taageeri doonin Xubinnimadooda Isbahaysiga NATO, maadaama ay ixtiraami waayey Caqiidada Islaamka.

Madaxweyne Erdoğan waxa kale oo uu ka hadlay Falkii lagu gubay Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka, wuxuuna yiri:

” Qur’aanka Kariimka ee uu Ilaahay xafiday, marnaba dhibaatada ma gaarayo Kitaabka Munasalka, xitaa haddii uu gubo mid ka soo harray Saliibiyiinta, Waxaan og nahay in muddo socotay Ololayaasha Saliibiinta Yurub oo ay isbarbar dhigeen Fahamka Iskaamka iyo Turkiga, waana ku han weynahay Isbarbar-dhigaasi” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdoğan waxa uu xusay in Ficilka xun ee ka dhacay Sweden ee lagu gubay Nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka tahay Ihaano ka dhan ah Ixtiraamka Xuquuqda iyo Xorriyaadka Asaasiga ee Aadanaha oo ay Muslimiinta ugu weyn tahay

Waxa uu sii raaciyey: “Ma jiro Shaqsi xor u ah inuu aflagaadeeyo ama Ihaanadeeyo xurmada Muslimiinta ama Diimaha kale”.

Khudbadda uu Madaxweyne Erdoğan u jeediyey Golihiisa Wasiirada waxa uu si cad ugu sheegay in Diinta Islaamka bartilmaameed badan u ahayd hawlaha caddowtooyada ee lagu hayo tan iyo maalintii Diinta Islaamka soo degtay ee loogu bishaareeyey Nebigeena Muxumad CSW.