Duqeymo culus oo markale ka dhacay duleedka Magaalada Camaara

15

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay markale duqeymo diyaaradeed oo xoogan ay ka dhaceen duleedka magaalada Camaara ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaaboo ku sugnaa agagaarka deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sarkaal ka tirsan miatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare weerarkan ka soo gaaray Al-Shabaab, balse ay wadaan xog uruurin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay jartay adeegga isgaarsiinta, isla-markaana aan faah faahin badan laga helin karin duqeynta lagu beegsay xoogaga ku sugnaa halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii duqeyn la mid ah oo Al-Shabaab lagu beegsaday ay ka dhacday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Si kastaba, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe howlgallo culus ka waday Galmudug, kuwaas oo magaalooyin horleh looga qabsaday Al-Shaabaab.