DEG DEG:- Madaafiic kusoo dhacay Agagaarka Madaxtooyada

47

Waxaa goordhow qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay jugta tiro madaafiic ah oo kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda ugu sar3eysa dalka.

Ilaa 7 madfac ayaa la sheegay in jugtooda la maqlay, kuwaas oo ku dhacay meelo kamid ah Madaxtooyada, Xaafada Ex Fiyoore iyo meelo kale, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Dad ku sugan Goobaha ay madaafiicda ku dhaceen ayaa Risaala u sheegay in jugta madaafiicda ay ahaayeen kuwo aad u xoogan, haatana ay wadaan sidii lagu ogaan lahaa khasaaraha ka dhashay.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.