Barakacayaal ku dhibaateysan Xerada Camp Daanyeerey ee Baardheere oo Codsadey in la gargaaro

16

Dhibaatooyin xaga nolosha ah ayey wajahayaan Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca ee Camp Daanyeeray ee ku taala Duleedka Koonfureed ee degmada Baardheere,Qoysaskan oo markoodii hore ku barakacay Abaarta ,waxayna Xeradan ay degan yahiin muddo ku dhow ilaa hal sanno.

Qoysaskan  ayaa ah kuwa Noloshooda markii hore ay ku tiirsaneyd Wax soosaarka Beeraha iyo Xoolaha ayaa xilligan Noloshooda ay saameyn ku yeelatey Abaaraha ka taagan deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe oo intooda badan ay ka soo kala barakaceen.

Qaarka mid ah Qoysaska degan Xearada Barakaca Camp Daanyeerey oo la Hadley Radio Markabley ayaa sheegay muddo haatan laga joogo ilaa hal sanno   inay degeen Xeradan,waxayna sheegeen inay qabaan dhibaatooyin ay ka mid yahiin Cunno la,aan,Hoy la,aan,Caafimaad daro,sida nafaqo daro iyo Adeega Biyaha oo ciriiri ah.

Mayow Dahir Macalin  oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Daanyeerey ayaa sheegay in xaalada nololeed dadka barakacayaasha ah ee degan Xerada Daryeel ay xaaladoodu taagan tahay meel halis ah,isagoona sheegay Qoysaskan oo gaaraya ilaa 400 Qoys.

Waxuuna ugu baaqey Hay,adaha Samafalka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee degan degmada Baardheere in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah  lala soo  gaaro Qoysaskan.

Halkan ka dhageyso Warbixinta oo dhameystiran