Magaalada Muqdisho oo laga daahfurey Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

71

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan Culimada Soomaaliyeed oo isaga kala timid gudaha dalka iyo dibaddiisa, maadaama shirka uu yahay  aad u sarreeya oo muhiim ah.