Dagaal sababay khasaare oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

44

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Singaleyr ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka ka dib ay dagaalameen labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay in dagaalka lagu dhaawacay taliyihii ciidamada Jubbaland ee saldhigga Singaleyr iyo laba askari oo kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Daraawiishta Juubaland oo baaritaano ka wada halkaasi.

Si kastaba, gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan ay ka billowdaan howlgallo culus oo dib u xoreyn ah.