Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay Koox Burcad ah

30

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay maanta ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen degmada Heliwaa ee gobolkaq Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag burcad ah.

Qoraal kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ragga lasoo qabtay ay gaarayaan illaa 4 nin, isla-markaana ay dhac u geysanayeen shacabka.

“Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah sida idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku jiray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale waxaa magacyada raggan lagu kala sheegay 1-Maxamed Cabdi Axmed, 2-Maxamed Xasan Cumar, 3-Axmed Maxamed Maxamuudiyo 4- Cilmi Xaaji Hilowle.

Booliska ayaa intaas kusii daray in eedeysanayaasha la soo qabtay oo haatan ku xiran saldhigga Heliwaa la horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay sameynayaan ciidanka Booliska iyo kuwa NISA, si loooga hortago falalka amni darrada.