Kenya oo adkeysay Ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya

31

Kenya ayaa kordhisay ciidamada ammaanka ee ku sugan xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto, halkaas oo si isdaba-joog ah ay u gaarayaan dadka ka soo cararaya degaannada ay maamulaan Al Shabaab.

Arrintan ayaa daba socota howlgallada ka dhanka ah  Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya, isla markaana ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in kuwo badan oo katirsan Al-Shabaab ay baxsad ku jiraan, isla markaana kordhinta looga golleeyahay in lagu joojiyo Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee  soo galaya Kenya.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay jiraan tobanaan kale oo Argagixiso ah oo u badan Ajaanib kuwaasi oo baxsad ku jira si ay uga baxsadaan howlgaladii ugu dambeeyay ee ka socda Soomaaliya.

Saraakiisha sare ee ammaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya ay saraakiil badan geysay goobo istaraatiiji ah, si aysan u imaan Al-Shabaab maadaama dagaal xoogan uu kaga socdo dhinacyo kala duwan.

Arbacadii, madaxweyne William Ruto ayaa ku eedeeyay colaadda hubaysan ee aan dhammaadka lahayn iyo colaadaha sokeeye ee ka jira waddamada deriska ah inay sabab u tahay kororka hubka sharci darrada ah ee ka dhex dhaca bulshooyinka xoola-dhaqatada ah.

Kenya ayaa marar badan dhibane u noqotay weeraro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeysay Arbacadii wadada isku xirta Bura iyo Gaarisa halkaas oo walxaha qarxa ay Al-Shabaab ku dileen afar shaqaale ah.

Soomaaliya gaar ahaan qeybo kamid ah gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ku sugan ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Kenya, kuwaas oo kamid ah howlgalka ATMIS, iyada oo dalka soo galay Bishii October ee sanadkii 2011.