Xukun lagu riday Taliye Ururkii loo haystay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

43

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukun ku riday Taliye Urur ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka, kaas oo lagu helay in uu Al-Shabaab u fududeeyay qaraxyo farabadan oo ay geysteen.

Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray  in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.