Weerar dad lagu dhaawacay oo ka dhacay dalka Faransiiska

20

Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey (A stabbing attack) oo Oogtii hore ee saakayto ka dhacay Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station oo ku yaalla Bartamaha Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Gerald Darmani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Eedeysanihii weerarka geystay ay Boliska degdeg u dileen.

Wasiirka waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Boliska sida Geesinimada leh ee ay uga fal-celiyeen Falkaasi.

Sida laga soo xigtay Telefishinka BFTV, 6 qof ayuu dhaawacay Fudud ka soo gaaray weerarkaasi, kuwaasi oo daryeel Caafimaad loo fidiyey.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Haybta iyo magaca Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Luqada Carabiga ku hadlayey.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Shirkadda Tareenada Faransiiska ayaa sheegay inuu weerarkaasi horjeeday Jahwareer ku yimid Jadwalkii Shaqada ee Tareenada ee saakayto.

Saldhiga Tareenada ee maanta uu ka dhacay Weerarka Tooreyda waxa uu ka mid yahay kuwa ugu Mashquulka badan ee ka shaqeeya gudaha dalalka Europe.

Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station waa Marinka ugu weyn (A major link) ee isku xira magaallooyinka Paris,  London iyo Waqooyiga Qaarada Europe.