RW Xamse oo si dadban ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland

46

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si dadbadan waxaa uu ugu jawaaqay Go’aankii kasoo yeeray dowlad Goboleedka Puntland ee ahaa inay u dhaqmi karaan sida dowlad Madax bannaan oo kale, iyaga oo tabaso ka qaba dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka masar ayaa sheegay in sanadkaan ay Xukuumadda Soomaliya qorsheyneyso inay ku dhaqaaqdo tallabooyin dhowr ah oo u qabsooma, sida dhameystirka dastuurka iyo in dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha sigaar ah uga hadlay dhameystirka Dastuurka qabyada ah oo uu sheegay inay jiraan qlo markasta ka qeylo dhaamisa, isaga oo sheegay inay qasab tahay in dastuurka sanadkaan gudihiisa la dhameystiro si loogu Shaqeeyo.

 

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxtooyada Puntland War kasoo baxay lagu sheegay in Puntland ay sida dowlad madax bannaan oo kale u dhaqmi doonto ilaa laga dhameytirayo dastuurka dalka.