Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay go’aankii ka soo baxay Puntland

20

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii ay Puntland ku sheegtay inay u dhaqmeyso sida dowlad madax banaan oo kale.

Madaxweynaha ayaa ka horyimid tallaabadaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay hal tahay, isla-markaana la’isku yiraahdo Jamhuuriyadda Federaalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka ee dalka, isaga oo sheegay in aanu aheyn in dalka la kala qaybiyo.

“Labo in la’isku qaldo ma ahan dalka in la fedaraaleeyo waa mid, laakiin ma aha in dalka kala tago Soomaliya hal wayey” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.