Sh.Aadan Madoobe oo la kulmay xubnaha Mucaaradka K/Galbeed

63

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed oo ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xaalada deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taalo magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lawadaagay in meesha laga saaro waxkastoo kala shaki keeni kara, isagoo xusay in ciidanka ay ku laabtaan xarumahooda si shirka uu ugu qabsoomo jawi nabdoon oo lagu wada qanacsanyahay, waxayna isla qaateen in laga wadashaqeeyo xasilloonida amniga iyo deegaanka.