Wasiir Juxa: Dowlad Goboleedka Puntland kama go’in Soomaaliya,laakiin Cabasho ayaa jirta

44

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka hadlayey go’aankii xalay ka soo baxay maamulkaasi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan ka go’in Soomaaliya, laakiin waxa uu tilmaamay in ay jirto tabasho ay ka qabaan dowladda federaalka.

Juxa ayaa dalbaday in la xaliyo tabashadaasi, si loo hagaajiyo wada-shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland oo wali maqan iyo dastuurka oo aan la dhameystirin in aan la gaari karin go’aan hal dhinac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo xalay war-murtiyeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe lagu cadeeyay in ay Puntland u dhaqmeyso, sida dowlad madax banana oo kale, isla-markaana ay xaq u leedahay arrimaheeda gaarka ah.

Arrintan ayaa daba socoto, diidmadii Puntland ee ku aadaneyd laba qodob oo ka mid ahaa warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga ee maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu iska diiday inuu saxiixo madaxweyne Deni.