Somaliland oo Amar ku bixisey in Internet-ka laga jaro Magaalada laas-caanood

71

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaliland ayaa Maanta si xoog ah kula wareegay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ku leedahay magaalada laas-Caanood, halkaas oo muddo todobaad ah ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ay ku amreen in la jaro Isgaarsinta magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga, waxaana Sawiro laga soo qaaday lagu arkayay ciidamada oo ku hareereysan Xarunta Shirkadda, qaarkoodna ay gudaha u galeen.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa dalbanayay in ciidanka Somaliland ay kabaxaan dhulkooda gobalka Sool, xili Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.