Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlayey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay kordhineyso dagaalka ka socda gobollada dalka, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ay ku soo biirayaan ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea.
Biixi ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka howlgali doonaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ka billowdeen dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro Galmuudg.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ay inta badan gobollada dalka ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaan xoogooda si weyn looga dareemayaa gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo ka barbar dagaalamaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna la wareegeen deegaano horleh oo ugu dambeysay maanta deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.