Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Caasimadda Dalka Afghanistan

36

Qaraxaasi waxa uu  ka dhacay Albaabka weyn ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Milliteriga dalka Afghanistan  oo ku dhegan Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha (Kabul International Airport).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Taalibaan, Abdul Nafi Takor oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey  inay tiro Muwaadiniin ah ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay baarayaan waxa sababay iyo dadkii ka dambeeyey Qaraxaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof geeriyootay, 8 kalena ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Warar aan weli la xaqiijinin ayaa sheegay  in Xafiis ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghaniatan ku leeyihiin meel ku dhow Garoonka uu dab qabsaday.

Ma jirto Koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi,  inkastoo Kooxda Daacish looga bartay Qaraxyada noocaasi oo kale ah.

Bishii la soo dhaafay,  ugu yaraan 5 Muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu dhaawacay Hotel ku yaalla magaalladda Kabul, kadib, markii ay Kooxda Daacish (ISIS) weerareeen Hotel ay ku badan yihiin dadka Shiineeska.

Si kastaba, Maamulka Taalibaan ee Talada dalkaasi dib ugu soo laabtay bishii August ee sanadkii 2021-dii waxay sheegaan inuu soo hagaagay Ammaanka Guud ee dalkaasi, inkastoo ay dhaceen Qaraxyo iyo Weeraro oo ay inta badan Kooxda Daacish sheegatay.