KA DHAGEYSO :RADIO MARKABLEY,BARNAAMIJ DOOD WADAAG SIDA LOOGA HOR TAGI KARO GUDNIINKA FIRCOONIGA

39

Dhaqankan foosha xun waxaa uu ka soo horjeedaa Diinta Islaamka sababta oo ah waxaa uu dhibaato weyn oo la xidhiidha nolosha iyo caafimaadka u geystaa gabdhaha. Culimada waaweyn ee Islaamka Sunniga ah waxay isku raaceen in dhaqankanu yahay xaaraan maadaama dembi weyn iyo jariimad laga galo gabdhaha. Gudniinkan waxaa lagu curyaamiyaa xubinta taranka dhedigga, kaas oo ku salaysan dhaqan jaahilnimo.

Qodobada Barnaamja Dooda Caaawa ayaa waxaa ka mid ah,waa maxay gudniinka fircooniga,dhibaatooyinka ka dhasha gudniinka gabdhaha,side lagu suulin karaa caadooyinka fircooniga,maxayse shareecada islaamka ay ka qabtaa iyo caadooyinka noocani oo kale ma wax horey u soo jiraybaa ,mise waa wax nagu cusub,qodabadaasi ayey Dooda caawa ku saabsan tahay,balse inta aan guda gelin Barnamijka,ku soo dhawaada Fariin wacyi gelin ah oo ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga.

Barnaamijka ayaa waxaa igala qeyb galaya ,Quressho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada,Aden Xaaji Daa,ud(Macalin Shukane) oo ah Macalin Wax dhiga H/DHEXE EE Siyaad kana mid ah Culama,udiinka Baardheere,Iisho Maxamed Cali oo ka mid Haweenka Umulisooyinka ,Ibraahin Faarax Afdheere oo ah Bare Sare oo leh khibrad muddo ka badan ilaa 45 sanno iyo Faadumo Saciid Maxamed oo ka mid ah Haweenka Umulasooyinka ee ka howl gala Isbitaalka degmada Baardheere,waxaana idinla socod siin doona anigoo ah Axmed Cumar Saalixi

Waa mar kale iyo Barnaamijka Sidee loo joojin karaa Gudniinka fircooniga oo dhibaato badan ku haya Gabdhaheena  Su,aasha ugu horeysa ee Barnaamijka aan ku daah furayo ayaa ah waa Maxay Gudniinka fircooniga,waxaana hor dhigay Ustaad Aden Xaaji Da,ud.

Guud ahaan waxaan intaas ku soo afmeerayaa Barnaamijkii Doodwadaaga ahaa ee ku saabsanaa Sidee loo joojin karaa Gudniinka fircooniga oo dhibaato badan ku haya Gabdhaheena,,Barnaamijkan oo Rogaal celis ah ayaa waxaad dhageysan doontaan maalinimada Sabtida 2>30 Duhurnimo,sidoo kale inta uu seegayna waxaad kala socon kartaan Webksitka Radiomarkabley..com, iyo barta facebooga radiomarkabley.

Barnaamijka waxaa idin la socodsiinayey ,islamarkaana idiin soo saarey anigoo ah Axmed Cumar Saalixi,dhinaca farsamadana waa M Deq alfa,Waxaana Barnaamjkan suurta geliyey Qabsoomidiisa Ururka Samafalka SEDURO iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Sidoo kale waxaan u mahad celinyaa Marti sharaftii igala qeyb gashey Barnaamijka Dooda ,inta aan kulmeyno Barnaamij midkaan la mid ah waxaan idinkaga tagayaa sidaas iyo nabad gelyo.

 

HOOS KA SDHAGEYSO BARNAAMIJKA SIDA LOOGA HOR TAGI KARO GUDNIINKA FIRCOONIGA