Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay xaaladda Laascaanood

9

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xun tahay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool.

DFS waxay ku baaqday in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato.

Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u dirtay qoysaska iyo eheladii dadkii naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaas, iyo inuu Ilaahay degdeg caafimaad u siiyo kuwii ku dhaawacmey.