Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Bisha cas Turkiga

42

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxdada ugu sareyso ee Bisha Cas ee dalka Turkiga

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ay Bisha Cas Turkiga ku leedahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mudane Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane maxamuud macalin cabdulle ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta sareysa ee loo sameeyay asiga wafdigiisa maalmaha ay joogeen dalka Turkiga waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay Guud ahaan shacabka Turkiga iyo gaar ahaan Bisha Cas garab istaaga shacabka Soomaaliyeed Marxaladahii adkaa,

Mudane Alper Kucuk Agaasimaha guud ee arrimaha caalamiga Bisha cas Turkiga Ayaa u sheegay Wafdiga Hay’adda Maareynta musiibooyinka in ay Bisha cas Turkiga diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeeyso, asigoo u balan qaaday in ay ka tageeri doonaan arrimaha gurmadka deg deg oo ay Bisha cas Turkiga khibrad dheer u leedahay