Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhiirigelisay ciyaartoy heer wanaagsan ka gaartay tartanka Golfka

267

Waxaa Dalka Mareykanka ka soconaya tartanka Golf-ka caruurta Adduunka,kaasi oo meel wanaagsan ay ka gaartay gabar Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Sihaam Cabdirashiid Ibraahim Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo gaartay Semi-finalka tartankaasi Golf-ka Caruurta,iyadoo dhiirogelin lacageedna ay ka heshey wasiirka Dhalinyarada oio Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Tartanka koobka Golf-ka caruurta addunka oo ka dhacaya Mareykanka is reebreebka ayay u soo gudubtay Sihaam Cabdirashiid Ibraahim,Maashaa Allah,guul baan u rajeynayaa Sihaam,waxaa iga gacan siisay gabadhayda Seytuuni Cabdi Xuseen in aan $5000 dollar aan gaarsiiyo,iyadana waan uga mahadcelinayaa dhiirigelinta Sihaam iyo magaca Qaranka Soomaaliyeed”.ayay tiri wasiir Khadiijo.

Ugu dambeyntii wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya marwo khadiijo Maxamed Diiriye ayaa guul u rajeysay Sihaam Cabdirashiid oo haatan soo gaartay isreebreebka tartankaasi.