Madaxweyne Lafta gareen oo ka hadlay Muddo kordhinta Halka Sanno

64

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad uu ugu dabaal-degay sanadkii guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay markii xilka loo doortay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi.

Lafta Gareen ayaa si gaar ah uga hadlay muddo kordhinta 1 sano ee maanta u bilaabatay, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku timid go’aan Baarlamaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay  Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa. Shalay habkii loo maray ayey u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la’iska daayo,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax badabaado la yiraahdo aysan xilligan ka shaqeyn karin Koonfur Galbeed, taas beddalkeedna loo baahan yahay in lala dagaalamo Al-Shabaab.