Tahriibayaal ay Soomaali kujiraan oo lagu xiray dalka Zambia

48

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia ayaa waxay bishan December 14-dii u dhaceen Guri lagu hayey Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shabakada Times of Zambia oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Ciiddanka qaadeen Hawlgalkaasi, kadib, markii lagu soo wargeliyey in Guri ku yaalla Degmadda Chibombo ee Bartamaha dalkaasi lagu hayo Muhaajiriin Shisheeye ah.
.
Mukhalaska oo 31 jir ah, laguna magacaabo
John Mukalama iyo 14 qof oo Muhaajiriin ah ayaa laga soo qabtay gurigaasi, sida ay sheegtay Ku-Simaha Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia, Josephine Malambo.