Diyaarad siday Qaad oo ku dhacday degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

69

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil diyaaradeed oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Diyaaradda oo sidday Qaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ma cadda waxa sababay shilkan diyaaradeed iyo sidoo kale khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Caabudwaaq iyo sidoo kale Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.