Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gobolka Gedo

31

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.

Janan ayaa gaaray magaalada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo markiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.

Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe,isaga oo beeniyay in ay leeyihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.

Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo galay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u suurtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muqdisho oo laga celiyay.

Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoowday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo lagu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu magacaabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare.