Sacdiya Yaasiin oo shaacisay in nolosheeda ay ‘halis ku jirto’ kadib arrintii ay sheegtay

56

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo war cusub soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay dareemeyso xaalad halis ah oo soo wajahday kadib hadalkii ay jeedisay.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah oo la xiriira khudbaddii ay maalmo ka hor jeedisay, taas oo dhalisay muran xoogan, ka gadaal markii ay ka hadashay xeerka Jinsiga ee ay horey u diideen Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday.