Madaxweynihii hore Shiinaha oo Geeriyooday

33

Hoggaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa la soo wariyay in uu goordhaw geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay.

“Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay Xisbigeena iyo ciidankeena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaamiyaha Shiinaha.

Jiang, oo ahaa madaxweynaha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nooleynta iyo dib u habeynta suuqa, ka soo noqoshada Hong Kong ee gumeysigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) 2001.

Madaxweynahaan ayaa talada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaanbaxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed.