Deni oo wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Norway

33

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa habka foggaan araga ee “Zoom”-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway
Ole Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Amb. Haakon Svane.

Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Puntland iyo Mashaariicda horumarin.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageeradooda ku aadan hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Mashaariicda horumarin ee ay Dowladda Norway ka taageerto Puntland