Akhriso:- Maxaa kusoo kordhay weerarkii lagu qaaday Hotelka

49

Waxaa mararka qaar rasaas teel teel ah laga maqlayaa gudaha Hotelka Raysa ee Xeendaabka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo xalay fiidkii rag huebysan ay ku qaadeen weerar ku billaawday qarax.

Hotelka oo ay deganaayeen Xubno katirsan golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa badankood laga soo badbaadiyay, hayeeshee waxaa la sheegay inay gudaha Hotelka kujiraan rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo rasaas kasoo ridaya.
Hareeraha Hotelka Rays ee la weeraray ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan weerararka lagu qaaday hotelka.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka aamusan inay ka hadlaan weerarka, waxaana aad u adag in la helo xogta rasmiga ah ee sida ay wax uga socdaan Hotelka la weeraray iyo Goobaha u dhow dhow maadaama aagaas ammaankooda aad loo ilaaliyo.

Dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa a baxa Madaxtooyada ayaa waxaa la dhigay Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo u diidaya inay dhinaca madaxtooyada soo aadaan dadka iyo Gaadiidka.