Gudigga Horomarinta degmada Baardheere oo ka mahad celiyey Deeq lacageed oo timid Jaaliyada Norwey(Dhageyso+Wareysi)

60

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa si habsami leh uga soconaya Dhismaha Buundada Kurmaan oo ah Buundo weyn oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Bulshada deegaanka

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudigga Horomarinta degmada Baardheere ayaa ka mahad celiyey deeq lacageed oo ka soo gaartey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway,lacagtaasi oo dhameyd $1000(Kun doolar) ayuu sheegay in ay ugu talo galeen Jaaliyada ka qeyb qaadashada dhismaha Buundada Kurmaan.

Waxaana Deeqdaasi lacageed soo gaarsiiyey Guddiga Horomarinta Maxamed Garuun Diiriye oo wakiil ka ah Jaaliyada Norwey.