Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay Gaalkacyo

38

Maleeshiyaad hubeysan ayaa rasaas ku furay Goob ay dhalinyaro ku sugneyd oo kutaalla meel aan sidaas uga fogayn school Cumar samatar ee Waqooyiga magalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Rasaasta ay maleeshiyaadka fureen ayaa waxaa ku dhintay Nin lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo, halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayan in arrintaan ay salka ku heyso iska hor-imaad dhowaan magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed oo ku muransan dhul kuyaalla halkaas.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Puntland ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo wada baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii weerarkaas ka dambeeyay.

Xiisadda labada maleeshiyo Beeleed ayaa weli ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana socda dadaallo lagu dejinayo xaaladda iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raga hubeysan ee dilalka geysanaya.