Wararka Maleeshiyaad hubeysan oo Wiil & Aabihiis kudilay degaan katirsan Gobolka Mudug

44

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta Barqadii waxaa ay duleedka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug Puntland kudileen Wiil Aabihiis, iyaga oo dilka kadib goota ka baxsaday.

Goobjooayaal ayaa sheegay in Wiilka iyo Aabihiis oo ahaa Xoolo dhaqato ay raga hubeysan dhowr xabadood ku dhufteen, halkaasna ay ku geeriyoodeen, xilli ay la jireen xoolo ay lahaayeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geystay Wiilka iyo Aabhiis, waxana wararka ay sheegayaan in uu la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horay uga dhacay degaano katirsan gobolka Mudug.

Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas.

laamaha Amiga gobolka Mudug iyo kuwa degmada bursaalax ayaan weli hadlin dhacdadaan, hayeeshee dhowr jeer ayaa dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degaano katirsan gobolka Mudug, kuwaas oo la xaliyay.