Antonio Guterres oo ku baaqay xabad Joojin Deg Deg ah oo laga sameeyo Gobolka Tigrayga

57

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xabad Joojin Deg Deg ah laga sameeyo Gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya, halkaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin sii hurinta dagaalka Tigray, kaasoo saameyn ba’an ku haya dadka rayidka ah.