Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qarax ka dhacay dalka Turkiga

52

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.