Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

46

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo hoosataga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen deegaanada kala ah Mukaydheere, Yaaqle, Shanlow, Kooreebe, Farbaraki iyo Dhagaxow, halkaas oo muddo badan ay maamulayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa xildhibaan Cismaan Xaadoole, guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiye ku xigeenka amniga deegaanka Daaru-salaam Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.