QM oo sheegtay in Soomaaliya ay weli qarka u saaran tahay macaluul

55

Madaxa hay’adda isku-dubbaridka gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ian Riddley ayaa sheegay in abaartu ay weli fara-ba’an ku hayso Soomaaliya, iyadoo in ka badan 8 milyan oo qof ay kaalmo bani’aadanimo u baahan yihiin.

Waraysi uu bixiyay Ian Riddley ayuu ku sheegay inay astaamuhu muujinayaan suurto-galnimada inaan xilli-roobaadkan di’i doonin roob ku filan, taasina ay sii murjin karto xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

“Weli waxaan hadda joognaa bilaawga Bisha Octoober abaartana weli dadka qaniinyo ayay ku heeysaa, waxaana jirta in ka badan 8 milyan oo baahi ay heeyso, Afar Milyan ay baraceen markii Afar xilli roobaad uu guuldareysatay laga soo bilaabo 20-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2020-kii ayuu yiri” Ian Riddley.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay rajo ka qabeen in roobka uu da’o balse cimilada saadasho ay sheegeen in roobka uu guuldareysan doono Bishaan Octoober ilaa Bisha soo socota ee December, isla markaana taasi ay xoojineyso xaaladda macluusha ah ee laga cabsi qabo inay ku dhacdo dadka barakacayaasha ah ee Miyiga Gobolada kunool.

Meelo oo kamid ah Soomaaliya waxaa xilligaan kajirta Abaarta daran, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ay arrimo kale kaga mashquuleen waxka qabashada Abaaraha, hayeeshee waxaa jirta lacag farabadan oo Caalamka ku deeqay, taas oo ilaa hadda la layaway halka la geeyay.