DFS oo sheegtay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab & hub Guryana lala wareegay

55

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Xaafado katirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la sheegay in howlgallada lagu qabtay Hub farabadan iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay galeen dhowr guri oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab goobaha qaarna ka dhiganayeen meelo ay ku daaweeyaan dadka ka dhaawacma.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen hub farabadan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab iyo daawooyin, sidoo kalena Ciidamada ammaanka ay la wareegeen dhammaan guryihii ay deganaayeen Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayuu uga digay guddoomiyaha inay ka kireeyaan dadka aysan aqoon, wuxuuna sheegay inay tallaabi ka qaadi doonaan dadka lagu helo inay Guryo ka kireeyeen iyo kuwa dhaqaalaha ku maalgeliya Al-Shabaab ee ku sugan magaalada muqdisho.