Magaalada Muqdisho oo lagu Qabtey Heshiiska Saxiixa Dhismaha Buundada Kurmaan ee Degmada Baardheere(SAWIRRO)

95

Xaflad si heer sare loo soo Agaasimey,islamarkaana Heshiis lagula galayey Enjineeradii dhisi lahaa Buundada kurmaan ee degmada Baardheere ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Buundada oo lagu wado in dhismaheeda la bilaabo maalmaha soo socda ayaa labada dhinac waxaa u kala saxiixey,Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Guddiga Horomarinta Baardheere iyo Maxamed Aden Wadi oo xubin ka ah Gudiga,islamarkaana ah Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada AlRaxma.

DHinaca Shirkada Fulinaysa Dhismaha ee Buriut ay u kala saxiixeen Eng.Abdirashid yusuf Aden(Jelle) iyo Eng.Omar Mohamed Mohamud (Aftooge)

Goobtii lagu saxiixayey Heshiiska Dhismaha Buundada Kurmaan oo lagu dhisayo si is xilqaan ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa,Sh Maxamed Gaboobe,Cabdulaahi Cabdi Xasan iyo Xuseen Aden Warsame (Giirmoye).