Wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

58

Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in habeenimadii Axadda duqeyn diyaaradeed lagu dilay wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Sheekh Xasan.

Marxuumka ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose, xilli uu ku sugnaa beer uu ku lahaa halkaasi.