Dowladda Soomaaliya & Hay’adda IMF oo shir ka yeeshay dhaqaalaha dalka

27

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Ha’adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa sida lagu shaaciyay War kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saarayo xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw Ee dalka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhorkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dadaal uu jirtay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hanaanka dhaqaalaha dalka, si deynta looga cafiyo Soomaaliya.